HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa xalay gacanta ku soo dhigay dad ku eedaysan inay diideen oo ka hor imaadeen in shacabka Falastiin loo soo rarao dhulkooda taasna ay ku badashaan aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxay ugu gooduyeen dadka ay soo xireen iyo kuwa wadadooda maraba inay tallaabo ka qaadi doonaan,sidoo kale waxay xuseen inay ka hor tagi doonaan cid kasta oo ka soo hor jeesata wax ay ku sheegeen midnimada, nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland.
Sidoo kale, Booliiska Somaliland oo arintaan war ka soo saaray waxay shacabkooda ugu baaqeen inay si mideysan uga soo horjeestaan shakhsiyaadka noocaas ah, isla markaana la soo wadaagaan Ciidanka Booliska.
Tan iyo markii shalay Israa’iil ay ku dhawaaqday inay Dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland ayaa waxaa soo baxay in shacab badan oo reer Waqooyiga ah ay si cad uga hor yimaadeen in walaalaheena reer Falastiin dhulkooda inta laga xoogo in loo soo raro deegaanooda Somaliland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
