Laamaha Ammaanka ee Ciidanka Booliiska Waqooyi Bari waxay xalay gacanta ku dhigeen eedaysane lagu magacaabo Maahir Khadar, kaas oo loo haysto inuu taageerayay fikirka gooni-goosadka Waqooyi-galbeed Soomaaliya (Hargeysa), isla markaana qoraallo uu baahiyay ku faafinayay aragtiyo lid ku ah jiritaanka iyo qaddiyadda dawlada Waqooyi Bari.
Qabashada eedaysanaha ayaa timid kaddib xog ay laamaha amniga ka heleen bulshada, taas oo muujinaysa wada-shaqayn dhow oo u dhexeysa shacabka iyo hay’adaha ammaanka.
Eedaysanaha waxa uu hadda ku jiraa xabsiga, waxaana socda baaritaanno sharci ah oo lagu xaqiijinayo eedaha loo haysto, iyadoo Maxkamad la horgeyn doono .
Laamaha ammaanka waxay digniin u dirayaan cid kasta oo ku kacda falal lagu wiiqayo amniga iyo midnimada, iyagoo adkaynaya in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo sharciga jabisa.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha.

