Advertisement

Booliiska magaalada Baltimoreee dalka Mareykanka ayaa baadigoobaya dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen toogasho ay labo qof ku dhinteen 28 kalena ay ku dhaawacmeen oo halkaas ka dhacday.

Saddex ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa ku jira xaalad halis ah.

Dadka magaalada ayaa maanta dhiganayay munaasabad lagu magacaabo “Maainta Brooklyn”.

Duqa magaalada Baltimore Brandon Scott ayaa sheegay in arrintan ay xoojineyso muhiimadda ay leedahay wax ka qabashada hubka sharci-darrada ah.

Weli wax faahfaahin ah kama soo bixin qofka ka dambeeyay toogashada.

 

Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here