MADERA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Ismaamulka Mandera ee ku yaal xuduud beeneedka Somalia iyo Kenya ayaa sheegaya in Booliiska Kenya ay ku howlan yihiin soo qabashada kooxo dhawaan dil u geystay Shiikh Soomaaliyeed oo caan ka ahaa Mandera kaasoo lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamuudu Maxamed Cali oo ku magac dheraa (Macali Guuliye).
Hay’adaha amaanka waxay wadaan baarista kooxihii ka danbeeyay dilkaasi oo dhacay sabtidii la soo dhaafay ee taariikhdu ahayd 29-ka bishii Agoosto xili la tuhunsan yahay in Alshabaab ay ka danbeeyeen dilkaasi.
Warar ku dhaw dhaw Booliiska Kenya ayaa sheegaya in la tuhunsan yahay in kooxihii dilay sheekha ay u baxsadeen dhanka Somalia gaar ahaan Gobolka Geddo oo xuduud la leh Ismaamulka Mandera.
Booliiska waxay shacabka ka dalbadeen inay ku garab siiyaan sidii loo soo qaban lahaa kooxaha gacan ku dhiiglayaasha ah ee dilay Shiikha si sharciga iyo Garsorka loo hor keeno.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
