MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Booliiska Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo wata gaadiid ciidan ayaa galabta waxay xaruntooda muqdisho tageen TV-ga SMS halkaasoo ilinka hore iyagoo sii galaya ay ka soo qabteen wariyayaal ka tirsan TV-gaasi oo shaqo ka yimid.
Wariyayaasha oo ka koobnaa sedex ayaa la arkayay iyadoo sarkaalka ciidamada watay uu ku amrayo inay soo raacaan booliiska kadibna gadidikii ay wateen ayay ku qaadeen waxaana lagu xirey saldhigga Police-ka ee DegmaXamarjabjab
TV-ga SMS ayaa Facebook waxay ku baahiyeen muuqaal ay qabatay kamirada qarsoon ee TV-ga taasoo loo yaqaan CCTV.
Sida TV-gu baahiyay Wariyayaasha ayaa la socday baabuur qooqan ah oo ay saarnayd Xildhibaan Faa’iza Jayte balse markii ay ka degteen islamarkaana ganjeelka aan laga furin ayay booliisku ka daba yimaadeen sidaana ku kaxaysteen.
“Waxaa sida la sheegay lagu hayaa saldhigga Police ka Xamarjabjab, mana jirto warqad maxkamadeed oo waaran ah oo loo soo gudbiyay maamulka talefishinka” ayaa lagu yiri war dhanka Tv-ga ka soo baxay


