MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Boliiska Soomaaliya ayaa maanta soo qabtay askari laga duubey Muuqaal baraha bulshada lagu shaaciyay kaasoo muujinayay isagoo qori ku bursanaya hooyo Soomaaliyeed si uu u dilo taasoo dareen naxdintiisa leh watay.
Muuqaalka Kaamirada oo lagu qaaday Mobile islamarkana ay shaaciyeen dhalinyarada baraha bulshada caanka ka ah waxay soo dedejisay in Hay’adaha amnigu halkaasi ka tixraacaan soona qabtaan askarigaasi sida qaldan u adeegsanayay awooda askarinimo iyo mida dowladnimo.
War lagu soo qorey Boga Hay’adaha amnigu ku leeyihiin Facebook ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliska Xamarweyne, uu gacanta ku dhigay eedeysane Dable C/fitaax Maxamed Ibraahim oo ku eedaysan inuu si sharciga baalmarsan ula dhaqmay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku ganacsanayay Suuqa Xamarweyne.
Booliiska waxay warkooda ku cadeeyeen in eedeysanaha uu ku jiro gacanta Booliska islamarkaana loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Ugu danbeyn warka Booliiska waxaa lagu wargeliyay dhammaan hay’adaha amniga inay gutaan waajibaadkooda sharciga ah, ayna ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaasoo ay u dhaarteen ilaalinta naftooda iyo maalkooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
