MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu shaaciyay inay caawa soo qabteen 6 ruux oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin dhimashada C/Naasir Muuse C/Raxmaan oo caawa Meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala degmada wadajir ee gobolka Banaadir.
C/Naasir Muuse C/Raxmaan ayaa ka tirsanaan jirey Hay’ada Duuliska Rayidka Soomaaliyeed inkastoo uusan hada shaqeyn.

Booliiska waxay sheegeen inay baarayaan Lixdaan ruux islamarkaana sharciga la hor geyn doono kii lagu helo inuu dilkaan ku lug leeyahay.

“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, waxayna gacanta ku soo dhigeen ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa”ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleMeydka Nin u shaqeyn jirey Hay’ada duulista rayidka oo Caawa laga helay gurigiisii Muqdisho
Next articleWar-murtiyeedka ka soo baxay Midowga Afrika oo looga hadlay arinta damaca Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here