NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ayaa caawa laba tuug waxay ku toogteen Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya xili dhibaatada burcada ay soo kordheysay maalmahaan.
Labada tuug oo la sheegay inay caawa isku dayayeen inay hanti ku dhacaanagagaarka OTC Nairobi ayay Ciidamadu toogteen waxaana lagu wadaa inay saraakiishu ka hadlaan.
Maalmihii ugu danbeeyay reer Nairobi ayaa ka cabanayay dhaca burcada sida mobile-da iyo tukaamada taasoo keentay in saacadihii ugu danbeeyay booliisku howlgalada joogteeyeen si ay uga hortagaan. ‘
Maalmo ka hor ayay ahay markii boqolaal eedeysanayaan dhanka burcadnimada ah ay Booliisku ka soo wada qabteen xaafadaha Magaalada Nairobi,meelaha burcadu dhibaatada ku heyso waxaa ka mid ah xaafada soomaalida ku badan tahay ee Islii.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
