HomeWarkiiBooliiska oo Caaws soo xirey Askarigii maanta garaacay Haweeneyda

Booliiska oo Caaws soo xirey Askarigii maanta garaacay Haweeneyda

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa goor dhaw oo caawa ah soo xirey askari maanta baraha bulshada aad loogu faafiyay muuqaal ay soo qabatay Camera-da CCTV-da isagoo garaacaya haweeneey Soomaaliyeed .

Askariga ayay kaamiradu cadeysay isagoo xitaa haraatinaya ilaa ay dhulka iska fadhiisatay.

Hadaba war uu taliska Booliisku ka soo saaray xarigiisa ayaa sidan u qoran:

Muqdisho 14 Julay 2025

Taliska Ciidanka Boliiska ayaa soo xiray Mid/le Axmed Nuur Maxamuud, oo lagu soo eedeeyay in uu ku kacay fal xadgudub ah oo ka dhan ah gabar muwaadinad Soomaaliyeed ah, falkaas oo si cad uga soo horjeeda sharciga iyo anshaxa ciidanka.

Eedeysanaha waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awooddda uleh, si sharciga loo waafajiyo.

Waxaa la farayaa dhammaan Hay,addaha ammaanka in ay ka digtoonaadaan ku xadgudubka shacabka Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen in ay ilaaliyaan naftooda, maalkooda iyo Sharafkooda.

DHAMMAAD

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -