HomeWarkiiBooliiska oo dilay 4 banaa-baxayaal ah

Booliiska oo dilay 4 banaa-baxayaal ah

DOUALA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay rasaas ay Booliiska Dalka Kamiruun ku  ku fureen shacab banaan bax ka dhigayay caasimadda ganacsiga Cameroon ee Douala axadii shalay.

Isu soo baxayaasha oo taageersanaa Mucaaradka ugu weyn Dalka Kaamiruun ahna Musharax Madaxweyne Issa Tchiroma ayaa doorashadii dhawaan dhacday waxay sheegeen inuu hogaamiyahooda ku guuleystay sidaasna uu dalka isaga Madaxweyne uga yahay balse waxaa ku gacan sayray Xisbiga Madaxweynaha hore talada u hayay kaasoo dhankiisa sheegtay inuu isaga ku guuleystay.

Tchiroma ayaa sheegay in mudaaharaadyadu ay dalbanayaan in la ixtiraamo natiijada codbixinta 12-ka Oktoobar dhacday maalin ka hor inta aan natiijada lagu dhawaaqin.

Samuel Dieudonné Diboua oo ah Barasabka gobolka ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada Booliisku iska difaaceen weerar lagu soo qaaday fariisimadooda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -