MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Somalia ayaa maanta qof shacaba wuxuu ku toogtay jag-boynti ciidamadu ku leeyihiin isgoyska Shineemo Al-nasri ee Degmada Hodan Magaalada Muqdisho.

Askarigaan wuxuu dilay nin watay moto Bajaj kadib markii uu soo gaaray jagboyntiga mana cada sababta uu qof rayid ah u toogtay askarigaasi.

Advertisement

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga durba la qabtay intuusan baxsan kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliiska ee Xamar ka howlgala.

Sida caadiga ahayd sharciga ayaa la hor geynayaa askarigaasi kaliyana wuxuu dil toogasho oo qisaas ah kaga bad baadi karaa in qoyka ninka la dilay ay ogolaadaan inay diyo qaataan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaal culus oo Dowlada iyo Alshabaab ku dhex-maray aaga deegaanka Jeex-Jeexa
Next articleShirkii Baarlamaanka oo waqti danbe furmay iyo Wasiirka Shaqada oo horagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here