HomeWarkiiBooliiska oo Saaka xirey dhamaan wadooyinka soo gala Suuqa-siinaay iyo howshii barakicinta...

Booliiska oo Saaka xirey dhamaan wadooyinka soo gala Suuqa-siinaay iyo howshii barakicinta oo socota

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Booliiska kala duwan ee Dowlada Somalia ayaa saaka waabarigii lagu arkay iyagoo xirtay dhamaan wadooyinka soo gala suuq siinaay ee Degmada Warta-Nabada halkaasoo ay hore Dowladu ugu amartay shacabka inay ka baxaan si Dowladu ula wareegto.

Ciidamadaan oo aad u hubeysan islamarkaana ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa markii hore xitaa isku socodaka diidanaa walow markii danbe ay u ogolaadeen dadka wax ku leh dhulka Dowladu la wareegtay inay ka bad-baadsadaan wixii hanti ka yaal sida jiingadaha iyo alwaaxda.

Gaadiidka Cagaf-cagafyada ee Dowladu ku burburiso meelaha gooaha ay shacaba ka barakicineyso ayaa diyaar ah waxaana ay hada shaqada burburinta ka bilaabeen dadka deegaansaday dhulkaasi ku teedsan suuqa ee Dowladu leedahay halka suuqa ay dib u dhigteen iny burburiyaan sida ay sheegayaan ilo ku dhaw dhaw booliiska.

Dhanka kale waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay ciidamadii uu watay Xildhibaan Yaasiin Fareey ee maalmihi la soo dhaafay diidanaa in suuqaasi Dowladu la wareegto xili xogaha qaar ay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamadii uu adeegsanayay Dowladu xirtay isagana digniin la siiyay madaama uu xasaanad leeyahay oo uu xildhiban yahay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -