MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dagaal maanta Muqdisho ku dhex-maray Ciidamada Booliis-Milataariyo iyo maleeshiyaad hubeysan kaasoo si gaar ah uga dhacay degmada Wada-jir.
Dagaalka wuxuu yimid kadib markii maleeshiyaadku isku dayeen inay difaacaan dhul Maxkamadu u xukmisay qoys Soomaaliyeed oo xoog looga heystay waxaana ka dhashay dagaalka dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Dowladu soo afjareen maleeshiyaadka inkastoo uu ku dhintay askari Dowlada ka tirsan sida uu sheegay.
“ Ma ahan mid aan aqbali doono in koox hubeysan ay baartaan shacabka Soomaaliyeed, Waxaan xaqiijinaynaa in aan maxkamad horkeeni doono kooxdii falkaas ka dambeysay.” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska
Gashanle C/ataax Aadan wuxuu saxaafada u soo bandhigay hubkii maleeshiyaadku adeegsaneysay markii ciidamada Dowladu xooga kaga soo qaadeen.
Hadaba halkaan ka daawo warbixinta Afhayeenka oo muuqaal ah:-
