HomeWarkiiBooliiska oo soo xiray dhalinyaro dhaqan xumo ku faafiyay baraha bulshada

Booliiska oo soo xiray dhalinyaro dhaqan xumo ku faafiyay baraha bulshada

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga C/casiis, ayaa gacanta ku soo dhigay afar (4) eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah anshaxa iyo akhlaaqda suuban.

Eedeysanayaashan ayaa barahooda bulshada ku faafiyay muuqaallo muujinaya dhaqan-xumo, kuwaas oo si toos ah uga hor imanaya dhaqanka suuban ee Islaamka iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaan eedeysanayaashu waxay haatan ku jiraan gacanta Booliska, waxaana ku socda baaris ballaaran oo dhinacyo badan leh, Marka baaristu dhammaato, waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Ciidanka Boolisku waxay si adag ugu digayaan dhalinyarada in ay ka fogaadaan falalka anshaxa iyo akhlaaqda lidka ku ah, Qof kasta oo lagu helo falal dhaawacaya anshaxa iyo dhaqanka suuban waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

DHAMMAAD

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. FADLAN DOWLADDA SOMALIYA WAXAAN KA CUDSANAAYO WAA MAALIN JIMCO AH-

    IN DADKAAN IYO WAXII LA MID AH IN MARDANBE BULSHADA LA GU SII DAYNIN OO DIINTA-

    WAXII KA QABTO LA MARSIIYO; ILAA IYO KA TOOWBAD KA KEENAAYAAN WAXAAN U MALEEYNAA DADKAAN MARKIISA HORABA DAD MA DHALIN OO SAX ISKU QABEEN WAA –
    DAD MUNAAFAQ AH;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -