HomeWarkiiBooliiska oo soo xirey dhalinyaro aflagaadeysay Madaxwene Xassan

Booliiska oo soo xirey dhalinyaro aflagaadeysay Madaxwene Xassan

Muqdisho, 14 Sebteembar 2025 –Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saldhiga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhalinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim.

Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh.

Booliiska Soomaaliyeed wuxuu bulshada ku baraarujinayaa inay ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, iyadoo cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

—DHAMMAAD—May be an image of 2 people and text that says "อินมิ QTITA BLISKA cOHcKИA NE 起 D CIID .B/ KA EEDAYSANE Cumar Ciise Salaad: Ku Eedeysan Aflagaado Madaxeed Iyo Anshax-Xumo f BANADIR@POLICE.GOV.SO"May be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -