QARDHO (DAYNIILE.COM)-Booliiska Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Karkaar ayaa maanta baaba’shay dhuxul si sharci daro ah loogu gubaayay baadiyaha Magaalada Qardho.

Taliye xigeenka Booliiska  Gobolka Kar kaar Jaamac Cusmaan  Axmed oo ka hadlay howlgalkaan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska gobolka Karkaar ay gubeen hogol dhuxul ah oo laga shidayay deegaanada u dhaw Magaalada Qardho.

Advertisement

Taliyaha wuxuu xusay inay talaabadaani ku garab siiyeen dad reer guuraa ayna baaba’sheen ilaa 5 hogol dhuxul ah xili ay u diyaarsanaayeen in dhuxul lagu sameeyo yoobta.

Cabdi-Saciid Jaamac oo ka mida odayaasha xoola dhaqatada ah ayaa sheegay inuu isagu arkay kuwa dhuxusha soo saara kadibna uu Booliiska Puntland ku wargeliyay.

“Naga qabta kuwa nabaad guyrinaya geedihii xooluhu noo daaqi lahaayeen,ciidamada waan u mahadcelinayaa talaabada ay qaadeen”ayuu yiri Odey Cabdi-Saciid

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDaacish oo sheegatay weerar lagu dilay 3 Askari oo Mareykan ah
Next articleMadaxweyne Xasan oo u Hambalyeeyay Kooxda Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here