
CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Maamulka Puntland oo watay gaadiid dagaal iyo ciidamo badan ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxay ka sameeyeen deegaanada buuraleyda Gobolka Bari gaar ahaan meelihii laga saaray Dagaalamayaasha Daacish.
Ciidanka waxaa hogaaminayay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Cabdiqadir Jaamac Dirir iyo Taliyaha Birmad Booliiska G/le Cabdi Siciid Magli (Aasburo) waxay cagta mariyeen dhul badan oo ka mid ah meelihii laga xoreeyay dagaalamayaasha Daacish si amniga ay u koontaroolaan.
Sidoo kale Howlgalka ayaa ujeedkiisu yahay sidii Booliisku gacanta ugu soo dhigi lahaayeen firxadka Daacish ee ka soo cararaya goobaha dagaalka.
Meelaha ay ciidamadu cagta mariyeen waxaa ka mid ah buuraleyda ku teedsan magaalada Bosaaso gaar ahaan Toga Girible iyo Gaaca ee Baalade.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM












