Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Galbeed ee Degmada Garoowe ayaa hawl-gal ay sameeyeen ku soo qabtay 109 Dhalo oo Kamri ah.
Taliyaha Howlagalinta Gobolka Nugaal Kabtan Siciiid Axmed Faarax iyo Taliyaha Saldhiga Galbeed ee Garowe Sadex xidigle Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad Miig iyo Ku xigeen kiisa ayaa bulshada uga warbixiyay Howlgalkan iyo sida ay usoo qabteen.
Ciidanka Booliska ayaa xoojiyay hawl-galada looga hor-tagayo falalka amni xumo ee caasimadda oo inta badan ay sababaan dadka isticmaala maandooriyaha ama ka ganacsadda.
Booliska ayaa uga mahadceliyay shacabka sida wanaagsan ay ula shaqeeyn.
XIGASHO TALISKA BOOLIISKA PUNTLAND










