Iyadoo laga duulayo dagaalka xaqa ah ee ciidankeenu kula jiraan kooxaha argagixisada ah, waxaa jira firxadyo ka tirsan kooxahaas oo laga yaabo inay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka, iyagoo ka faa’iideysanaya jabka ku dhacay.
Haddaba, Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka sharafta leh in qof kasta oo arka ama maqla cid looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxahaas naf-la-caariga ah, ay si degdeg ah ula soo xiriiraan ciidanka booliska Puntland.
iTaliska Booliiska Puntland wuxuu shacabka ku dhiiri-geliyay
amniga xaqiijintiisa la wada leeyahay islamarkaana uu yahay mas’uuliyad wadareed,sidoo kale booliisku waxay shacabka xasuusiyeen inay kaalin weyn ku leedihiin sugidda amniga.
