HomeWarkiiBooliiska Puntland oo ku eedeeyay Daraawiishta inay qamriga soo galiyaan Magaalada Garowe

Booliiska Puntland oo ku eedeeyay Daraawiishta inay qamriga soo galiyaan Magaalada Garowe

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Sarkaal sare oo ka tirsan Taliska Booliiska Puntland ayaa ku eedeeyay qaar ciidamada inay iyagu yihiin kuwa soo geliya maandooriyaha loo yaqaan khamriga halkii ay ka hortagi lahaayeen oo si bulshada magaalada looga ilaaliyo qatarta uu leeyahay.

Sarkaalka oo ah Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) wuxuu tilmaamay in ciidamada howshaan ku jira ay ganacsi ahaan ugu jiraan islamarkaana ay xaqiiqo tahay talaabadaasi qaldan oo ay ku dhaqaaqaan.

“waa xaqiiqo jirta waa ciidan dowladeed oo laakiin Booliiska aan ahayn, waa kuwa daraawiishta waxa falkaasi fulinaya kuwaasoo ka ganacsada daraagiska,waxay sitaan oo kku hubeysan yihiin qoryo” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul)

Waa markii ugu horeysay inta laga war hayo oo taliska Booliiska Maamulka Puntland eedeyn intaas la eg u jeediyaan ciidamada Daraawiishta Puntland inkastoo wali aysan ka jawaabin saraakiisha hogaamisa daraawiishta jiritaanka eeda booliiska kaga timid.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -