Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay’adaha amniga la socdeen.
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah:
1. Faisa Cali Maxamed
2. Cabdi Axmed Cusmaan.
3. Haaddi Cumar Cilmi
4. Cabdi Maxamuud Cali
5. Saalax Cabdulqaadit Mahad
Qalabka ay leeyihiin Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;
1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.
2. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory
3. Biisooyin Kaashwito
4. Kabo balistig ah.
5. Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system)
6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)
Lanta barista CID gobolka Nugaal ayaa horay u sii haysay xogta ah inay kusoo fool ledahay gobolka
dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.
Booliska ayaa fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado.

– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.
May be an image of 1 person and hospitalMay be an image of textMay be an image of 1 person and headscarfMay be an image of 1 person and scarfMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of textMay be an image of shoes and textMay be an image of 1 person, phone and text
Previous articleSarkaal Booliiska hore uga tirsanaa oo Caawa lagu dilay Muqdisho
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here