Qardho: 06 December 2023: Ciidamada Booliska gobolka Karkaar oo gacanta ku dhigay baco si kontobaan ah loogu wadday Boosaaso.

Ciidamada booliska gobolka Karkaar ayaa xalay saqdii dhexe 12:00 PM ku qabtay kantaroolka Magaalada Qardho gaari kuwa xamuulka ah oo siday bac-madoow si sharci-daro ah la doonayay in loogu gudbiyo Magaalada Boosaaso.

Advertisement

Bac-madowdaan ayaa ky jirtay 63 Kartoon, waxayna isugu jirtay kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ciidamada amaanka uga mahad-ceshay shaqada adag ee ay hayaan, iyo sidda ay ugu guulaysteen in xili danbe ay qabtaan kontorabaankaan sharci-darada ah.

Taliye Xuseen ayaa xusay in habka farsamaysan ee
bacahaan loosoo qariyay, ay dhici karto berina in khamri iyo qarax lagu qariyo. Waxa uu sheegay in sharciga ay horgayn doonaan.

Mahadsanidiin.

~ DHAMMAAD ~

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND

Previous articleSoomaaliya Oo Ku Biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka.
Next articleMadaxweyne Xasan oo ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray Somalia+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here