HomeWarkiiBooliiska Puntland oo qabtay nin dad badan ku laayay Garowe

Booliiska Puntland oo qabtay nin dad badan ku laayay Garowe

GAROOWE – July 25, 2025: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasi oo lagu eedeeyay in uu 24-ka Luulyo 2025 weerar toos ah ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe,
Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta G/Sare Maxamed Cali Axmed, ayaa si degdeg ah uga falceliyay, waxaana ay ku guuleysteen in eedeysanaha lasoo qabto muddo kooban gudaheed, kadib howlgallo baaritaan oo laga sameeyay magaalada.
Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in eedeysanaha haatan ku sugan yahay xabsi dhexe, iyadoo loo gudbin doono hay’adaha cadaaladda si uu u maro hannaanka sharciga ah ee dawladda Puntland.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, difaaca ciidamada ka howlgala wadooyinka, iyo in si degdeg ah loo qabto cid kasta oo ku kacda falal amni-darro ah.
— DHAMMAAD —
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -