War qoraala oo ka soo baxay Booliiska Maamulka Punttland kuna taariikheysan 28-12-2023 oo maanta ah ayaa lagu shaaciyay inay qabteen afar ruux oo u dhashay dalka Suuriya kuwaasooxatooyo ka gaystay Puntland.

“Ciidanka Booliiska Puntland oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaal baxsad ah oo u dhashey dalka Suuriya kuwaa oo soo dhacay 940 Garaam oo dahab ah”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Booliiska Puntland

Magacyada afarta suuriyaanka oo isugu jira Laba Raga iyo Kaba Dumara ayaa lagu kala sheegay:-

 1-Abdikarin Axmed Almuhamed
2-Jamiila Qasi Yuusuf
3- Abdalla Abdikariim Axmed
4- Malay Abdikarim Ahmed
Soo qabashada eedeysanayaashaan ajaanibta ah waxaa iska kaashtay Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Karkaar iyo CID kuwaasoo lagu wado in Maxkamad la soo taago.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Advertisement
May be an image of 1 person, scarf and headscarfMay be an image of 1 person and scarfMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and text
Previous articleSaraakiil puntland ka tirsan oo xalay lagu dilay Gaalkacyo
Next articleTaliyaha guutada 24-aad oo deeq daawo ah ku wareejiyay Isbitaalka Guud ee Degmada Ceeldheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here