MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Af-hayeenka Booliisk Dowlada Faderaalka Soomaaliya C/fataax Aadan oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay awaamiir cusub oo ay ka soo sareen aflagaadeynta madaxda qaranka.
Af-hayeenka wuxuu sheegay inay digniin adag ka soo saarayaan arimahaani xili siduu sheegay hore xeer ilaalintu shuruuc uga soo saartay balse maanta ay abaan inay garsiiyaan dadka baraha bulshada isticmaala digniin ah inaan la aflagaadeyn madaxda qaranka lagana fogaado wixii sharciga Islaamka aan ku banaaneyn.
“waxaa m,annuuc cey ama aflagaadeyn hay’ad, ama shasi loo geysto,waxaan idiin sheegeynaa in meeshiishuu joogo loogu tagi doono qof kasta oo xad-gudubyadaasi gaysta”ayuu yiri
Sidoo kale wuxuu sheegay kuwa dadka isku dira ,kuwa sawirada anshax xumida faafinaya dhamaan qof kasta oo arimahaasi lagu helo ayuu sheegay in la ciqaabi doono.
“dharka ciidanka looma isticmaali karo wax ka baxsan Dowladnimada shaqada askariga, hadii tolkaada uu isu imaad kaa casuumo ku tag dharkaada caadiga ah , waan ka digeynaa looma isticmaali karo dareyska ciidamada,sidoo kale shirkadaha filimaanta sameeya waa inay fasax ka qaataan hay’adaha ay dareyskooda ka isticmaalayaan”ayuu yiri Afhayeenka
Haddaba faah-faahinta Afhayeenka halkaan ka daawo
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
