HomeWarkiiDEG DEG: Booliiska Somalia oo hub iyo Drons badan ka helay Hotel...

DEG DEG: Booliiska Somalia oo hub iyo Drons badan ka helay Hotel Elite

May be an image of helicopterCiidamada ammaanka, oo weli ku guda jira howlgalada lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah kadib weerarkii maleeshiyaadka hubeysan ay ku soo qaadeen Degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa soo bandhigay hub fara badan oo isugu jira noocyo kala duwan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta kula hadlay Hotel Elite, ayaa sheegay in la soo qabtay hub badan, kuwaas oo ay ku jiraan hub culus iyo hubka wax dila meelaha fog, kuwaas oo lagu keydiyay hotelka.

“Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay howlgallo xiriir ah oo ciidamada ammaanka ay ku baacsanayeenn hub sharci-darro ah oo Qaar ka mid ah ay wateen maleeshiyaadkii amni-darrada ka waday degmadan, halka qaar kalena ay yihiin hub cusub oo loo diyaarinayay in lagu qalqal geliyo amniga magaalada, Hubkan waxaa lagu keydiyay goobo kala duwan oo uu ka mid yahay Hotel Elite,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagu baacsanayo hubka sharci-darrada ah, wuxuuna tilmaamay in aan qofna loo oggolaan doonin inuu gurigiisa ama goobtiisa ganacsi ku keydiyo hub sharci-darro ah.

Dhanka kale, Taliye Mahdi ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan ka dhicin hotelka, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo loo gaystay ilaalada iyo shaqaalaha hotelka, wuxuu xusay in ciidamada ammaanka ay fuliyeen oo keliya waajibaadkooda shaqo.

Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u soo bandhigay hub fara badan oo laga qabtay maleeshiyaadkii soo weeraray degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
May be an image of helicopterMay be an image of helicopter and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of speaker, suitcase and textMay be an image of tool bag and textMay be an image of textMay be an image of textMay be an image of lighting and indoorsMay be an image of lighting and indoorsMay be an image of textMay be an image of lighting and indoorsNo photo description available.No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -