MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War goor dhaw ka soo baxay Taliska Booliiska Somalia ayaa lagu shaaciyay in la soo qabtay oo gacanta Hay’adaha amniga la soo geliyay askari dhawaan dil ka gasytay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile.
Ciidanka Booliska Saldhigga degmada Dayniile, ayaa fuliyay howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha gacan loo heysto muwaadinka Somaliyeed inuu gacantiisa ku toogtay Allaha u naxariistee.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cadaawe Cali ayaa marxuum Cabdullaahi Maxamed Muuse ku dilay degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Odwayne kadib muran soo kala dhexgalay.
Si kastaba Taliska Booliiska waxay intaasi ku dareen inay eedeysanaha ku wareejin doonaan maxkamadda ku shaqada leh si hadii lagu cadeeyo ciqaabtiisa loo marsiiyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
