MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Booliiska Dowlada Somalia ayaa gudaha xeyndaabka Xalane ee Magaalada Muqdisho waxay ka soo qabteen eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah mid ka mida la taliyayaasha Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laai Deni.
Booliisku waxay ku eedeeyeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre inuu ku howlanaa falal amniga lid ku ah,waxaana ku socda baaritaan gaar ah oo eedeymihiisa la xiriira.
Eedeysanaha waxaa lagu hayaa Saldhiga Booliiska Garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo saraakiisha Hay’adaha amnigu su’aa;loku weydiinayaan.
Maamulka Puntland ayaa cambaareeyay xariga masuulkaani loo geystay,waxayna ku tilmaameen talaabada Booliiska Somalia qaadeen mid afduub ah oo loo geystay mid ka mid ah la-taliyayaasha madaxweynaha Puntland .
XAFISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

