MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta baraha bulshada si weyn u qabsaday sawira laga soo gudbiyay kaamirada qarsoon ee loo yaqaan CCTV taasoo muujineysay Macalin Dugsi oo gabdhihii uu wax barayay jirkooda kula dhaqaaqay fal ool xun oo gacma gacmen ah.
Macalinka sida sawirada ka muuqata wuu shuminayaa oo jirkooda taataabanayaa taasoo ku faaftay baraha bulshada iyadoo waalidiinta ardeyda aad uga caroodeen falkaasi foosha xun madaama caruurta inuu wax baro loogu geeyay.
Dhacdadaan waxay ka dhacday Degmada Wada-jir ee Magaalada Muqdisho waxaana si degdeg ah u howlgalay ciidamada Booliiska Dowlada Somalia kuwaasoo durba soo qabtay xabsiga soo dhigay macalinka.
Maxkamad ayaa lagu wadaa in la soo taago macalinka iyadoo cadeymana lagu hayo madaama ay kaamirada qarsoon duubtay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


