MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Magaalada Muqdisho ayaa xalay soo xirey laba Tiktoker oo caan ah kuwaasoo lagu kala magacabo Mahad Maxamud Xamarow (Garyaqaan) iyo Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss) kadib hadalo qaldan oo ay baraha bulshada ku shaaciyeen.
Labada Tiktoker waxay ku eedeysan yihiin kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni, Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horgey doono Maxkamadda awooda u leh.
Garyaqaan ayaa dhawaan baraha bulshada soo geliyay muuqaal uu qaladaad badan oo amni ku galay isagoo awood qabiil sheeganaya xili u la xifaaltamaayay dhalinyaro kale,You Bos ayaa isna sidaas oo kale loo heystaa.
Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar ayaa bartiisa Facebook ku cadeeyay in garyaqaan la hor geyn doono Maxkamada awooda u leh.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


