Taliska Booliiska Somalia ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxay ku shaaciyeen in askari booliis ah maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wada-jir.

Booliiska waxay xuseen in la qabtay askari kale oo ku eedeysan dilka askariga dhintay.

Advertisement

Haddaba halkaan ka akhriso warka Taliska Booliiska oo sidiisa u qoran:-

War-saxaafadeed.

 

Maanta 20 Jan 2024, abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako.

Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen, hadana wuu xiranyahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa ka xun dhacdadaas foosha xun. Eedeysanuhu si deg deg ah ayu cadaalada ku wajahayaa.

Wa bilaahi towfiiq.
Previous articleMadaxweynaha oo la kulmay Sh. Al-Azhar Al Shariif+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan oo Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud Ururka Jaamacadda Carabt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here