Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qarax xalay ka dhacay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac,
Hadaba warka Booliiska ayaa sidan u qornaa:-
Warsaxaafadeed
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.
Khawaarijta Arxanka daran, ayaa xalay fiidkii 19 Feb 2024, dhagar qarax ah la eegatay gaari nuuca dadweynaha ah iyo mooto bajaaj marayay isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa.

Qasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah dhimashada 5 qofood iyo dhaawaca tobaneeyo kale, oo dhamaantood goobta marayay.

Ciidamada Amaanka oo goobta ku baxay, ayaa gurmad la gaaray dadkii shacabka ah ee goobta ku wax yeeloobay.
Previous articleShariif Sh.Axmed oo ka hadlay in khudbadiisii laga soo deyn waayay TV-ga Qaranka
Next articleHowlgal Ciidamada Dowladu ka sameeyeen deegaano hoos taga Gobolada Bay iyo Bakool+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here