HomeWarkiiBooliiska Somaliland oo ka digay banaan-baxyo rabashada wata oo abaabulkiisu socdo.

Booliiska Somaliland oo ka digay banaan-baxyo rabashada wata oo abaabulkiisu socdo.

Taliska Booliiska Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray banaan-baxyo rabshada wato oo ay sheegeen inay abaabulkiisa wadaan qaar ka mid ah shacabka reer Somaliland kuwsoo ka cabanaya qiima kordhin ay sameeyeen shirkadaha internet-ka bixiya.
Warka ka soo baxay Booliiska Somaliland oo ah digniin ay u jeediyeen kuwa wada abaabulka dibad-baxyadaan ayaa u qornaa sidan:-
Taliska Booliska Somaliland waxa uu ka war helay in dad ujeeddooyin kala duwan leh ay baraha bulshada ka wadaan dhaqdhaqaaqyo abaabulaya dibad-baxyo ka dhan ah qiime kordhinta ay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga internetka dalka soo rogeen.

Iyadoo laga duulayo waajibaadka sharci ee ka saaran ilaalinta amniga, Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu muwaadiniinta xusuusinayaa in xeerarka dalka ay si cad u nidaamiyeen dibad-baxyada dadweynaha, kuwaas oo shuruud ahaan u baahan ogolaansho rasmi ah oo ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Sidaas darteed, si loo ilaaliyo amniga guud iyo badqabka hantida muwaadiniinta, lama oggolaan doono wax nooc kasta oo dibad-bax ah oo aan haysan fasax qoraal ah oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
Sidoo kale, muwaadiniinta waxaa lagu wargelinayaa in hay’adaha xukuumadda ee khuseeya arrinta qiime kordhinta ay soo saari doonaan war rasmi ah.

Taliska Boolisku waxa uu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan muwaadiniinta in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka, isla markaana ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo kala dambeynta.
Shakhsiyaadka ku hawlan dhaqdhaqaaqyo ka hor imanaya shuruucda dalka waxaa lagu wargelinayaa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono haddii aanay ka waantoobin falalkaas.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -