facebook sharing button
twitter sharing button
linkedin sharing button
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button
 
Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodiahe ayaa goordhaw faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dil duhurnimadii Maanta loogu geystay degmada Xamarweyne Marxuum Abuubakar Maxamed Nuuraani oo ahaa 65 sano jir
Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askariga ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee dilka bareerka ah u geystay Allah u naxariistee Marxuum Nuuraani, islamarkaana uu haatan ku jiro gacanta Booliiska Soomaaliya.

“shalay 1:20 duhurnimo, ayaa Boliiska Gobolka Banaadir, gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, oo Degmada Xamarweyne Waaxda Gobonimo ku dilay Abuubakar Maxamed Nuurani, 65 jir ahaa Ina Hooyo Saaman Cali Abuukar”ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanahan la horgeyn doono Cadaalada, si looga qaado talaabo waafaqsan Sharciga.

Marxuumka dhintay walaalkiis ayaa warbaahinta u sheegay in askariga ka tirsan Minashiibiyada uu si bareer ah u dilay walaalkiis.

“Walaalkeey waxaa la dilay isagoo dhahaya wan bixinaya lacagta ii sug ayaa si bareer ah xabad aajuuda looga dhuftay, marka dowladda madaxda sare ee dalka waxaan ka codsanaya nin askariga cadaalada ley marsiiyo” ayuu yiri walaalka marxuumka la dilay.

Barqanimadii shalay ayay aheyd markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dilay isbaarada Garasdeele ee degmada Balcad nin dhalinyaro aha oo ku shaqeysanaayay Mooto Bajaaj, inkastoo markii dambe ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen askarigii dilay Darwalka Mooto Bajaajta oo lagu magacaabi jiray Cali Taliye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here