Ciidamada booliiska dalka South Sudan ayaa gacanta ku dhigay Sakariye Cali Axmed oo ahaa ninkii Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Gaashaanle Cali Xasan Siyaad (Cali Tariin) oo katirsanaa saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Ninkan la xiray ayaa sargaal Cali Tariin ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Saban Saban ee degmada Dayniilee 28kii bishii July ee sannadkii hore 2022.
Ehelada Cali Tariin oo helay xogta ninkan gacan ku dhiiglaha ahaa oo ka baxsaday Muqdisho in uu ku sugan yahay dalka South Sudan ayey ku wargaliyeen booliiska dalkaasi oo si deg deg ah gacanta ugu dhigay dilaaga, waxa uuna hadda ku xiran yahay xabsi kuyaalla Jubba.
Safaarada Soomaaliya ee ku leedahay Jubba oo kiiskan lala socodsiiyay ayaa durba kiiskan u gudbisay booliiska Soomaaliya , waxaana suurto gal ah in ninkan loo diro Muqdisho si booliiska loogu wareejiyo loona hor geeyo maxkamad.
Gacal Ayman