Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo asbuuc ka hor shil gaari ku dilay nin Turkey u dhashay gudaha Magaalada Istanbul ayaa la soo sheegayaa in Booliisku amreen in la soo xiro.

Wiilka Madaxweynaha ayaa markii uu shilka dhacay hore laga xirey balse waa la sii daayay markii baaritaankii hore lagu sheegay in marxuumka oo watay moto Bajaj uu lahaa qaladka shilka.

Advertisement

Baaritaanada kaamirooyinka qarsoon ayaa warar cusub oo ka soo baxay waxay booiisku mar kale amreen hada in la soo xiro Maxamed Xasan Sheekh kadib markii uu soo baxay tuhun ah in laga gardarnaa iyo dalab ka yimid qoyska marxuumka.

Maalmihi ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada lagu hayay inuu baxsaday wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ninka shilkaan ku geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Yunus Emre Göçer waa Aabe 38 jir ah oo ay  joogaan Laba Caruur ah.

Dhanka kale saraakiisha Turkida qaarkood ayaa rumeysan inuu baxsaday xili xayiraad dhanka socdaalka ah lagu soo rogay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDab baabi’iyay Xaafad barakacayaal ay degan yihiin
Next articleXaalada Nololeed ee Shacabka Gaza oo laga deyrinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here