Muqdisho (dayniiile.com)-Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa xabsiga soo dhigay sedex Gabdhood oo baraha bulshada ku faafiyeen iyagoo jir dilaya nin dhalinyaro ah guri ku yaal Degmada Waabari.

Haweenkaan ayaa sida wararku sheegayaan waxay ninka ku balamiyeen gurigooda si ay u shirqoolaan markii uu ku dhacayna si xun ayay u jir dileen xili ay isugu tageen.

Advertisement

War ka soo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in Haweenkaasi sedexda ah ay soo qabteen islamarkaana uu hada ku socdo baaritaano la xiriira falka ay ku dhaqaaqeen.

Warka Booliiska Xamar waxaa sidoo kale lagu sheegay in sharciga lala tiigsan doono dumarkaan islamarkaana ay maxkamad wajihi karaan.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaalka Gabdhahaani oo si xun u garaacaya ninka oo sida loo maleynayo ay iyagu ku balamiyeen guriga ku yaal degamda Waabari ee Magaalada Xamar.

Dhacdooyinka nuucaasi ah ayaa sanadkaan aad ugu soo batay baraha bulshada iyadoo ay Muqdisho ka dhaceen falal isla nuucaan oo kale ah iyo sidoo kale hal kiis oo Kismaayo ka dhacay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Somalia oo soo fara-gelisay arinta Tahriibayaal ku xayiran Xadka Poland iyo Pelarus
Next articleHowlgal ka dhan ah Alshabaab oo laga fuliyay Gobolka Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here