HomeWarkiiBooliiskla Galmudug oo soo xirey eedeysanayaal loo heysto burcadnimo+SAWIRRO

Booliiskla Galmudug oo soo xirey eedeysanayaal loo heysto burcadnimo+SAWIRRO

Dhuusamareeb, 21Janaayo 2026
Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal ku eedeysan dhac taleefano iyo qalqal-gelin amni oo ka dhacday caasimadda Dowlad-Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Eedeysanayaashan ayaa lagu tuhunsan yahay inay falal dhac ah u geysteen shacabka ku nool caasimadda, iyagoo adeegsanayay cabsi-gelin iyo hanjabaad.

Howlgalkan oo ay ciidamada booliska ka fuliyeen Xaafadda Horseed ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo qabtay afar (4) eedeysane. Qaar kamid ah eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay dadka ku dhacayeen iyagoo ku labisan dariiska ciidamada ammaanka, si ay u marin habaabiyaan shacabka.

Eedeysanayaasha ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska Caasimadda, halkaas oo ay uga socdaan baaritaanno dheeraad ah, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh marka baaritaannadu dhammaadaan.
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah:
1. Shafiici Khaliif Xasan – 18 jir
2. Cabdi Siciid Maxamed – 22 jir
3. Cumar Maxamed Xasan – 20 jir

4. Nuur Cabdullaahi Cali – 19 jir

Ugu dambayn, Taliska Booliska Caasimadda Galmudug waxa uu bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ka codsanayaa inay si buuxda ula shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan cid kasta oo amniga lid ku ah, gaar ahaan haddii ay arkaan ama ka war helaan burcad ku hawlan falal amni-darro oo ka socda caasimadda.

Wadashaqeynta shacabka iyo Ciidamada Ammaanka waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo amniga caasimadda Galmudug.

Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta
Ciidanka Booliska GalmudugMay be an image of one or more people and people smilingMay be an image of one or more people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -