Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland ay hawlgal ay ka sameyeen magaalada Kismaayo ku soo qabteen ragg lagu eedeeyay in ay waxyaabaha maanka dooriyaha ay soo geliyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Raggan ay ciidanka soo bandhigeen ayaa gaaraya labo qof, kuwaasi oo lagu qabtay iyaga oo wata waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan Xashiishada.

Sidoo kaled Saraakiisha Booliska ee maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dhawaan la horgeynayo hay’adaha cadaaladda eedeysanayaashan.

 

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here