Booliska oo baaraya imtixaan laga qaaday ciyaaryahan Luis Suarez

0
Barcelona’s Uruguayan forward Luis Suarez reacts during the Spanish Super Cup semi final between Barcelona and Atletico Madrid on January 9, 2020, at the King Abdullah Sport City in the Saudi Arabian port city of Jeddah. – The winner will face Real Madrid in the final on January 12. (Photo by Giuseppe CACACE / AFP) (Photo by GIUSEPPE CACACE/AFP via Getty Images)

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa baarayaa eedeymo wax isdaba marin ah oo harreeyay imtixaan laga qaaday ciyaaryahan Luis Suarez oo ku saabsanaa in uu u qalmo in la siiyo dhalashada Talyaaniga ama in kale.

Luis Suarez ayaa imtixaankan laga qaaday toddobaadkii lasoo dhaafay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayo in uu doonayo in uu ku biiro kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Juventus.

Balse haatan wuxuu ku biiray kooxda kubadda cagta ee Atletico Madrid.

Xafiiska dacwad oogaha magaalada Perugia ee Talyaaniga iyo booliska ayaa sheegay inay baarayaan qaabka loo qaaday imtixaanka laga qaaday ciyaaryahanka ee uu ku doonayay in uu helo dhalashada.

Ilo wareedyo ka tirsan garsoorka ayaa wakaaladda wararka ee Talyaaniga u sheegay in Suarez kaligiisa uusan baaritaanka ku socon.

Waxaa jirtaa eedeyn ah in ciyaaryahanka uu horey u ogaa su’aalaha imtixaanka ka hor inta aanan looga qaadin jaamacadda Perugia, lagana heshiiyay natiijada ka hor inta aan gacanta laga saarin, sida laga soo xigtay bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad oogaha magaalada bartamaha ku taalla ee Perugia.

Ciyaaryahankan u dhashay dalka Uruguay “Wuxuu aqoon u leeyahay inta aasaasiga ah ee luqadda Talyaaniga”

Shan kamid ah barayaasha jaamacadda ayaa haatan la baarayaa, mas’uuliyiinta waxay Talaadadii jaamacadda ka heleen dokumentiyada.

Jaamacadda Perugia oo ah halka uu imtixaanka ku galay ayaa beenisay in wax khalad ah uu dhacay.

“Markii imtixaanka la qaaday waxaa la raacay hannaanka hufnaanta iyo caddaaladda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay jaamacadda.

Xaaska Suarez waxay kasoo jeedaa Talyaaniga, sidaas darteed, wuxuu qaadan karaa dhalashada Talyaaniga balse ninkan 33 jirka waa in uu ka baasaa luqadda Talyaaniga oo imtixaan looga qaaday jaamacadda Perugia 17-kii bishan.

Suarez ayaa ku biiray kooxda Barcelona sanadkii 2014-kii, wuxuu xilli ciyaareedkiisa ugu horreeyay ka caawiyay kooxda inay ku guuleysto horyaalka Yurub, Copa del Rey iyo horyaalka Spain ee La Liga.

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa haatan shaacisay inay aqbashay in weeraryahankeeda Luis Suarez uu ku biiro kooxda ay ka wada dheelaan horyaalka La Liga-ha ee Atletico Madrid.

Suarez kuma uusan qanacsanayn in uu sii joogo kooxda Barcelona, ayadoo kooxduna ayba ku faraxsanayd in ay iska fasaxdo.

Laacibkaan u dhashay dalka Uruguay ayaa oggolaaday heshiis hoos loogu dhugay mushaarkiisii, kaddib markii uu ku guuldarraystay in uu ku biro kooxda Juventus ee Talyaaniga sababo la xiriira passport-kiisa.

BBC

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here