Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degano katirsan gobolka Maroodi-jeex waxaa ay gacanta kusoo dhigeen laba Rag ah oo siyaabo kala gooni gooni ah dad Shacab ahaa ugu dilay Gobolkaas.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in Ciidamada booliska ay gacanta kusoo dhigeen eedaysane  Cabdiqani Xuseen Maxamed oo loo heysto in  uu dilay  1 /9/2022  Marxuum Ibraahim Dayac Yaasiin, dilkaasi oo ka dhacay Magaalada Darasalaam degmada Sabowanaag Gobolka  Maroodi Jeex.

“ Ciidanka Booliska ayaa hawlgal iyo dedaal ay sameeyeen saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay eedeysanahan , kuna jiro hadda  gacanta Ciidanka Booliska si cadaaladda loo marsiiyo ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland.

Dhanka kale  Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo qabtay Eedaysane Nuur Cabdi Aw Yuusuf oo 45 jir  ah kuna eedaysan in uu dilay 8/9/2022 Marxuum Cali Cabdi Aw Yuusuf, Dilkaasi oo ka dhacay Tuulada Xorfada degmada Sabowanaag ee Gobolka Maroodi Jeex.

Ugu dambeyn Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ugu baaqay cid kasta  oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta amniga in gacan bir ah lagu qaban doono., iyaga oo Shacabka Somaliland ku amaanay kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsaday in ay kor usii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here