Booliska Soomaaliya ayaa galabta soo bandhigay daroogooyin laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha ayaa soo bandhigay Kartoomo aad u badan oo daroogadaan ay ku jirtay, taas oo u badan daawooyin.

“Waxaan idiin soo bandhigeynaa daawooyin badan oo loo isticmaalo daraago ahaan, kuwaas oo booliska ka howlgala garoonka uu gacanta ku dhigay, in kastoo daawooyinkaan xanuuno loo adeegsa karo, hadana waxaa jirta in daroogadu ku badan tahay, oo intooda badan aan si sax ah loo isticmaalin,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dowladda oo ku dadaaleysa inay xakameyso dembiyada ay dalka ka geysa karaan dadka daraagiska isticmaala ay ka hortagtay in daawooyinkaan qatarta ah dalka lasoo geliyo.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here