Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qaraxa iyo weerar toos ah oo hadda ka socda Hoteelka Villa Rose oo ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Booliska waxa ay sheegeen in wali uu socdo dagaal,islamarkaana Ciidanka Amniga ay soo badbaadiyeen masuuliyiin dowladeed.

“Caawa fiidkii ayaa koox Khawaarij ah waxa ay weerareen Hoteel Ganacsi oo ku yaalla degmada Boondheere,Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka Khawaarijta” ayuu lagu yiri warka kasoo baxay Ciidanka Booliska.

Waxaa goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo mas’uuliyiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here