QAZA (DAYNIILE.COM)-Kadib Boqol Maalin oo ka soo wareegatay heshiiskii dagaalka lagu joojiyay sida xabad joojinta iyo in Maamul gaar ah loo dhiso reer Qaza waa sidee xaalada marinka Qaza gaarahaan nolosha shacabka dhibaatada badan lagu hayay tan iyo Oktoobar 2023-kii.
Boqol maalin kadib xabad joojintii la gaaray waxaa la soo sheegayaa in shacabka ay xiligaan wajahaan laba dhibaato oo is biirsaday xili roobaad qabow wata iyo raashin xumo baahsan taasoo shacabka intooda badan laga dareemayo.
Inkastoo dhibaatadii duqeynta iyo dilalka joogtada ahaa uu hada Rabi ka yasirey kadin heshiiska xabad joojinta lagu gaaray Magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar hadana shacabka waxay xiligaan tabayaan inay helaan raashin ku filan.
Dowlada Faransiiska ayaa maanta daboolka ka qaaday inay gargaar u dirayso magaalada Gaza lamana oga intey ku qaadan karto, dhanka kale masuuliyiin ka soo jeeda  Falaatiin gaar ahaan gudi matalaya shacabka dalkaasi ayaa kulan ay Masar ku yeesheen waxay waxay ka shireen arimo ku saabsan dib u dhiska magaalooyinka iyo nolosha shacabka xiligaan la daala dhacaya raashin la’aanta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
