GAZA (DAYNIIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaya diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ay xasuuqeen boqolaal ruux 48 saac gudihiis.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 390 falastiiniyiin ah la dilay halka 734 kalena la dhaawacay labadii maalmood ee la soo dhaafay xili la hakiyay isgaarsiinta.

Advertisement

Dadka Maanta la laayay waxaa ka mid ahaa 6 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kuwaasoo  ku dhintay duqeymo ku dhacay gurigooda.

meydadka lixdaas ruux ayaa lagu aasay qabuuraha xerada Shabura ka dib salaaddii janaasada ee isbitaalka Mohammed Yousef El-Najar ee Rafah ee Gaza,

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u dhigaya codeynta qaraar qabyo ah oo ku boorinaya in sare loo qaado gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza ka dib maalin kale oo wadahadalo adag ah.

SOURCE ALJAZEERA 

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO: Madaxweyne Xasan oo ka hadlay wax ka badalka Dastuurka
Next articleTaliyaha Guutada Khalid Binu-Waliid iyo shacabka Ceeldheer +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here