HomeWarkiiBoqolaal Shacab ah oo Jowhar ka dhigay isu soo bax lagu...

Boqolaal Shacab ah oo Jowhar ka dhigay isu soo bax lagu taageerayo Cali Guud-laawe

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Boqolaal Shacab ah ayaa Saaka isugu soo baxay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle iyagoona muujiyay taageerada ay u hayaan Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guud-laawe Xuseen oo hadana ah musharaxa Hogaanka Hirshaballe ee doorashada soo socota.

Shacabka oo wata calamada maamulka iyo sawirada Hogaamiyaha ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in Madaxweyne Xasan u doortay Cali Gudlaawe Musharaxa JSP ku matali doona doorashada dhici doonta dhawaan.

Xaafadaha kala duwan ee |Jowhar ayay shacabkaani isugu soo baxeen waxaana la hadlay masuuliyiin kuwaasoo iyagana ugu hambalyeeyay Cali Guudlaawe inuu helo Kaarka Xisbiga Muxaafadka ee JSP.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda, Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey oo ka hadlay banaan baxa ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan sida uu ugu doortay Cali Guudlaawe inuu JSP u tartamo si uu mar kale u hogaamiyo Hirshabeller.
“Anigoo ku hadlaya afka shacabka reer Jowhar, waxaan leeyahay hambalyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, mar kale na hoggaami.” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jowhar.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

May be an image of textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, temple, crowd and textMay be an image of crowd and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -