Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa dhacday AUN markii uu dhintay Axmed Cabdi Godane hogaamiyihii xarakada Shabaab ayaa Salaadiinteeni u soo dhacday BBC-da. Nin walba in uu ka hadlo way ka carareen, waa u tacsiyadeeyay,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay.

“Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane.

Hogaamiyihii Milatariga Al-shabaab aadan Xaashi Cayrow oo deegaan ahaan ka soo jeeda Muqdisho, ayaa marka laga hadlayo waxa ay dadka muqdisho yihiin kuwa aan ku dhiiran karin in ay ka hadlaan Macalin aadan Xaashi Cayrow.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here