Karim Benzema ayaa si dhab ah uga soo kabsaday dhaawaciisii, sharciga FIFA ayaa u ogolaanaya Benzema inuu ku soo laabto Koobka Adduunka, Real Madrid ayaa u aragta in baaritaanka France uu ka culus yahay xaqiiqada dhabta ah.

France ayaa fursad u haysatay in ay Benzema dib ugu yeerto ciyaarta Knockouts laakiin Deschamps ayaa xaqiijiyay in uuna Benzema ku soo laaban doonin koobka adduunka.

Benzema ayaa ku soo laaban doona tababarka Real Madrid todobaadka soo socda.

Sidoo kale, Waa Xusuusin in Haddii France ay ku guuleysato Koobka Adduunka, Karim Benzema uu sidoo kale noqon doono Horyaalka Adduunka & inuu heli doono bilad!

Wuxuu weli si rasmi ah ugu jiraa liiska 26-ka, waxaana magaciisa uu ku yaalaa xaashi walba oo France ah.

Laakin wali waxa ay noqon lahayd soo laabasho cajiib ah in Benzema uu ku soo laabto koobkii aduunka ee ugu dambeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here