Jabhada OLF ayaa sheegtay inay dhawrkii maalin ee laso dhaafay’ Galbeedka Degaanka oromia ku dileen’ 180 askari oo katirsan milatariga Dalka Ethiopia’ iyo ciidanka’ Gaarka ah’ ee oromia.. waa siday hadalka udhigene..

Xoogaga Tigray’ ayaa sheegay inay Dagaal’ labadii maalin ee laso dhaafay’ ka dhacay’Galbeedka Tigray’, ay ku dileen ku dhawaad 1700 oo askari oo katirsan ciidamada Federalka Ethiopia’ iyo kuwa Eritrea oo socdaal ku marayay’ Wadada Adwa’ iyo adigrat’ udhaxaysa. Waa siday hadalka udhigene..

Sido kale Waxay shegeen inay gabi ahaanba go’ doomiyeen’ Ciidamada Federalka Ethiopia iyo kuwa Eritrea ee ku sugnaa’ magaaloyinka shire’ aksum’ adwa’ iyo Adigrat’ wax isku socod ahna uuna magaaloyinkaas u bixi karin’ waa siday hadalka u dhigene..

Dagaalo culus ayaa ka socda Degaanka Benishangul’ gumuz shalay ayay ahayd markay Dablay hubaysan la waregeen’ Dagmoyin katirsan’ Degankaas’ iyago afduub u qabsaday dad gaadhaya’ 40kun oo qof oo shacab ah, maanta waxaa laga soo shegaya’ inay Dagaaladu halkoodii kasii socdaan’ Xaaladuna ay sii adkaatay’ Shacab badan oo kaso qaxay gobalkaas’ ayaa soo gaadhaya’ Gobalka wollega’ ee degaanka oromia..

banaan baxyada ka socda Degaanka Axmaarada ayaa sababay’ khasaare balaadhan’ waxaana la burburiyay guryo’ sido kale waxaa la boobay’ Bangiyo’ SIDO kale’ hutelo’ ayaa la boobay.

Dagaalo udhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Sudaan ayaa maanta ka socda Xadka labada dal’ gaar ahaan’ Degaanka’ al- nouri’ iyo al- selama’ oo katirsan Al- fashaqa’ wali khasaaraha ka dhashay’ faah faahin dheeriya kamanaa helin.’ Wixii kaso kordha halkan kala soco…


Ogaadenia media 23/2021/ April. Time 15:24.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here