HomeCiyaarahaBruno Fernandes oo sharaxay sababtii uu u diiday ku biirista Al Hilal...

Bruno Fernandes oo sharaxay sababtii uu u diiday ku biirista Al Hilal xagaagan

XIGASHO LAACIB.NET

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa sheegay sababta uu u diiday dalabkii weynaa ee kaga yimid kooxda Sucuudiga ah ee Al Hilal xagaagan.

Isagoo la hadlay Sky Sports, Fernandes wuxuu yiri:
“Ma aanan dhammeystirin riyooyinkeyga halkan. Waxaan dareemayaa inaan weli wax ku biirin karo kooxda. Inta aan weli caawin karo, halkan ayaan joogayaa ilaa kooxda ay go’aansato inay igu dhahdo ‘Bruno, waqtigaa wuu dhammaaday’.”

Bruno ayaa sidoo kale qirtay in go’aanka United uu adkaa maadaama dalabka Al Hilal uu ahaa mid lacageed oo aad u weyn –  in ka badan lacagihii ay kooxda ka heshay xiddigihii ugu dambeeyay ee caanka ahaa sida Cristiano Ronaldo.

“Haa, wuxuu ahaa go’aan adag. Anigu waxaan ahay kabtanka kooxda, waxaan muhiim u ahay kooxda, inkastoo mararka qaar aanan fiicnayn.

Dadka qaar waxay u arki lahaayeen iibkeyga layaab, laakiin aniga waxaan had iyo jeer ku adkeysanayay in Premier League uu yahay riyadayda oo aan rabo inaan halkan ku guuleysto” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Fernandes, oo 30 jir ah, ayaa rajeynaya inuu saameyn weyn ku yeesho kulanka furitaanka xilli ciyaareedka 2025/26 marka United ay la ciyaarto Arsenal.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -